Soomaaliya oo ka qeybgashay furitaanka meertada 69-aad ee hay’adda WHO

0

QAAHIRA (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Qaahira ee Dalka Masar kaga qeyb galay furitaanka Meertada 69-aad ee Hay’ada Caafimaadka aduunka WHO/EMRO.

Meertada waxaa ka qeyb galey Madaxa Hey’adda Caafimaadka Aduunka Dr Tedros, Wasiiradda Caafimaadka Dowladaha ku bahoobey EMRO iyo Quburo ku xeel dheer arimaha Caafimaadka kaas oo lagaga arinsanayay xoojinta iyo adkeynta nidaamka Caafimaadka iyo baahinta Tallaalada Covid-19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ka warbixiyay qorshaha caafimaad ee Wasaaradda iyo caqabadaha ku hor gudban ee in la qaado tallaabooyinka muhiimka u ah horumarinta Caafimaadka iyo in laga jawaabo baahiyaha Caafimaadka ee ka jira Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ka codsaday Hey’adda WHO in ay ka caawiso Soomaaliya dhisidda System Caafimaad oo tayo leh kaas oo fursad siin karta malaayiin qof oo siyaabo kala duwan ay u heysato baahi Caafimaad sidoo kalena waxay qeyb ka noqon kartaa yoolka horumarinta Caafimaadka ee ay gardaadineyso Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa warbixintiisa qeyb ka aheyd saameynta Abaarta ay ku yeelatey dadka Soomaaliyeed waxa uuna xusey in meela badan oo kamida Soomaaliya ay si daran u saameysey Abaarta waxa uuna ku celceliyey Wasiirka in WHO ay ka qeyb qaadato gurmadka loo fidinayo dadka saameynta Caafimaad iyo midda nolaleed ka dhaxley Abaarta.

       

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here