Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay xiriirka ay la leedahay Kenya

0

NAIROBI (SMN) – Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka hadlayey xiriirka labada dal ee dariska ah ayaa sheegay inay leeyihiin xiriir wanaagsan oo dhinac walba leh.

Tarsan ayaa shaaca ka qaaday in Soomaali badan oo ganacsato ah ay joogaan Nairobi, sidaas oo kalena Kenyaati fara badan ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in labada dowladood ay iska kaashan doonaan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sidoo kale weeraro khasaare geysta ka fulisa gudaha wadanka Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhow xadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here