DF Soomaaliya oo xoojisay dadaalkeeda ku aadan ku biirista Ururka EAC

0

MUQDISHO (SMN) -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan sii xoojisay dadaalkeeda ku aadan ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afrika ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano EAC.

 

Dalladdan ayaa waxaa ku mideysan dalalka Bariga Afrika, kuwaasi oo dan wadaag ku ah in si fudud ay isaga kala gooshaan xuduudaha iyo ganacsiga oo isku furan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayay shir ka dhacay magaalada Caruusha ee dalka Tanzaniya bartamihii sanadkii hore ee 2022-kii, kaasi oo ay isugu yimaadeen madaxda ururka ayaa soo bandhigay fursadaha ganacsi, dhaqaale iyo bulsho ee ka jira Soomaaliya iyo doorka xooggan ee ay shacabka Soomaaliyeed ka qaadan karaan horumarka Dalladdan iyo guud ahaan saameynta togan ee ay ku leeyihiin gobolka.

Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho waxa ay ka sagootisay ilaa 46 ergo oo ka mid ah Dalladdan, kuwaasi oo indhawaanahan ku sugnaa caasimadda dalka, ayaga oo waday qiimeyn guud.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse oo xubnahan u sameeyay kulan sagootin ah ayaa waxa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in ay yimaadaan Muqdisho isaga oo ka rajeeyay in marka ay dalalkooda dib ugu laabtaan ay muujin doonaan in Soomaaliya ay diyaar u tahay ka mid noqoshada Dalladda Bariga Afrika ee EAC.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal buuxa ku bixineysa hirgelinta codsigii ay u gudbisay Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) sanadkii 2016-kii, iyada oo rajo ka qabta ku biirista Ururkan oo ah mid muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here