Qardu Xasan oo la gudoonsiiyay Ganacsatada yaryar ee Muqdisho

0

MUQDISHO [SMN] – Salaam Somali Bank oo ah Bangi si gaar ah loo leeyahay ayaa weli ka qeyb qaadanaya kobaca dhaqaalaha Soomaaliya isagoo ku bixinaya lacag lacag la’aan ah oo loogu talagalay in lagu horumariyo ganacsiyada yaryar.

Xarunta dhexe ee uu ku leeyahay bankiga suuqa bakaaraha ayaa Maalgelinta Qardu Xasan lagu gudoonsiiyay ganacsatada yaryar ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo baahi weyn u qabay in la taageero sidii ay u kobcin lahaayeen ganacsigooda.

Ka faa’iideystayaashii ayaa mahadcelin u jeediyay maamulka iyo shaqaalaha Salaam Somali Bank, iyagoo sheegay inay tahay tallaabo ku dayasho mudan oo ay ku dayan karaan bangiyada kale ee maaliyadeed ee dalka.

“Aad baan ugu faraxsanahay sanduuqa Micro-finance ee uu bixiyo Salaam Somali bank” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatadii maanta ka faa’ideystay barnaamijka Qarduu Xasan.

Tani waa qayb ka mid ah xirmada Bankiga ee loogu talagalay in lagu horumariyo ganacsiyada yaryar ee dhammaan gobollada Soomaaliya si ay qayb muhiim ah uga qaataan kobcinta dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.

Qarduu Xasan ayaa loogu talo galay in laga hirgaliyo dhamaan xarumaha bangiyada ee gobolada iyo magaalooyinka dalka, waxaana loogu tala galay in kor loo qaado laguna dhiiri geliyo ganacsiyada soo koraya.

Bangigu waxa uu si bilaasha lacag la’aana ugu deeqay ganacsatada yar yar ee ku sugan xaruntiisa ugu weyn oo ay ku jirto caasimadda Soomaaliya iyo magaalooyin dhowr ah oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha dalka.

Ujeedada ugu weyn ayaa ah in kor loo qaado wax soo saarka ganacsiyada kobcaya iyo dhiirigelinta ganacsatada si loo soo nooleeyo dhaqaalaha Soomaaliya oo ay ka jirto heerar shaqo la’aaneed oo sareysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here