Suxufiyiin Soomaaliyeed oo tababar uga socda dalka Masar + Sawirro

0

QAAHIRA (SMN) – Suxufiyiin Soomaaliyeed oo ka kala socda Magaalada Muqdisho iyo Maamul Goboleedyada Dalka ayaa Magaalada Qaahira uga qeyb galay tababar ku saabsan nabada iyo tebinta warbixinada la xiriira colaadaha si kor loogu qaado nabada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.

Tababarkan oo soconaya muddo sedex maalmood ayaa waxaa soo agaasimay Ururka Suxufiyiinka Qaranka Soomaaliyeed [NUSOJ], ATAMIS iyo Xarunta Caalamiga ah ee Qaahira ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabadaynta.
Aqoon kororsigan oo maalintii labaad ka socda Magaalada Qaahira ee Dalka Masar, ayaa waxaa maalgelisay Dowladda Sweden si kor loogu qaado nabada iyo xasiloonida Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta madasha tababarka ka hadlay waxaa ka mid ah, Abuukar Sheekh Maxamuud, Agaasimaha Warbaahinta Shabelle oo ka hadlaya magaca Ururka NUSOJ iyo Safiirada Dalalka Sweden iyo Japan u fadhiya dalka Soomaaliya.

Agaasime Abuukar Sheekh Maxamuud ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay muhiimadda uu tababarkan u leeyahay suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo xusay in aqoon kororsigan uu fursad u siinayo suxufiyiinta Soomaaliyeed kor u qaadista nabadda, maadaama dalka uu jiro dagaal looga soo horjeedo Al Shabab.

Mudane Abuukar ayaa ku ammaanay Ururka NUSOJ isku howlida sidii loo tayeyn la haa suxufiyiinta Soomaaliyeed, waxuuna tilmaamay in tababarkan uu qeyb ka yahay tababaro nuucan oo Ururka NUSOJ uu ka qabtay dalka dibaddiisa.

Dhinaca kale, Dowladda Sweden ayaa soo dhaweysay tababarkan oo iyadu ay maalgelisay, waxaana ay shaacisay in ay ka go’an tahay maalgelinta tababaro nuucan oo la siiyo suxufiyiin Soomaaliyeed in ay uga faa’ideeyaan dalkooda.

Maahan markii ugu horreysay oo Ururka NUSOJ juhdi iyo dhaqaalo ku bixiyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed, iyadoo xusid mudan in Ururku tababaro kala duwan oo khuseeya, amniga, tacadiyada ka dhanka haweenka, dooraashooyinka iyo kuwa kale uu ku qabtay Magaalada Muqdisho iyo Caasimadaha Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here