Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku baaqay in Raโiisul Wasaaraha JFS mud. Maxamed Xuseen Rooble lagu garab istaago hawsho culus ee hayo iyada oo aanan wax shuruud hor leh lagu xirin.
โWaxaan u mahadcelinayaa qof kasta oo kaalin nabaddeed ka geystay xasilloonida dalka.Waa inaan fursaddan la lumin, wixii dhacayna inooga filnaato inaan nahay ummad aanan sina isu hureynin marxalad kasta.
Waxaan ku baaqayaa in RW Rooble garab lagu siiyo hawsha culus ee hortaal, iyada oo aanan wax shuruud hor leh lagu xirin.RW Rooble, isagana waa inuu qaataa door hoggaamineed oo ka nasahan eex iyo eed intaba. Ayuu yidhi Taabid Cabdi Maxamed.