Taalibaan oo ballan-qaad sameysay, kadib la wareegitaankii Afgaanistaan

0

Hoggaamiye ku -xigeenka ururka Taalibaan ayaa sheegay in hadda la joogo waqtigii wax loo qaban lahaa dadka Afgaanistaan ​​oo noloshooda la hagaajin lahaa.

Hadalladaas ayaa lagu sheegay cajalad fiidiyoow cusub oo ay soo bandhigeen ururka Taalibaan, maalin kadib markii ay qabsadeen caasimadda Kabul kuna dhawaaqeen guul.

“Hadda waa waqtigii la maxkamadeyn lahaa, waxaan u adeegi doonnaa ummaddeena, waxaan siin doonnaa xasilloonida ummadda oo dhan, inaan sida ugu macquulsan ugu soconno si noloshooda loo hagaajiyo,” ayuu Mullah Baradar Akhund isagoo dhex fadhiya koox ka tirsan ururka Taalibaan.

“Qaabka aan u soo marnay wuxuu ahaa mid lama filaan ah maadaama aan gaarnay booskii aan marnaba la fileyn,” ayuu sidoo kale raaciyay.

Taliban ayaa gacanta ku dhigtay magaalada Kabul markii ugu horeysay muddo 20 sano ah kaddib.

Kooxdan ayaa meesha ka saaray inay jiri doonto dowlad ku meel gaar ah. Waxay sheegeen inay Afghanistaan ka hirgelin doonaan dowlad islaami ah.

Afhayeen u hadlay Taliban ayaa BBC-da u sheegay “inuusan jirin aar goosi” isla markaana ay ilaalin doonaan hantida dadweynaha, balse ma cadda waxa ka dhici doona gegida diyaaradaha, halkaas oo dowladaha shisheeye ay ka daad gureynayaan muwadiniintooda.

Taliban waxay sidookale sheegeen inay ilaalin doonaan xuquuqda dumarka, balse ay qasab tahay inay xirtaan xijaabka dalkaasi looga yaqaan burqa ee astura jirka oo dhan.

Dad badan ayaa ka cabsi qaba in Taliban ay mar kale xaddidi doonaan xuquuqda ay leeyihiin dumarka.

Hase yeeshee, warar dhawaan laga helay aagagga ay qabsadeen Taliban, ayaa sheegaya in haweenka aanan loo ogolayn inay guryahooda ka soo baxaan iyagoonan la socon qof maxram ah, isla markaana shaqaale dumar ah lagu war geliyay in ay ragga la wareegi doonaan shaqooyinkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here