Dhalinyaro muddo ku xirneyd dalka Liibiya oo lagu soo celiyey Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro tahriibayaal ah oo muddo ku xirnaa dalka Liibiya.

Dhalinyaradaan oo gaaraya 97-qof ayaa waxaa ku jira shan haween ah, kuwaas oo muddo ku xanibnaa dalkaas, Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Cabdisaciid Muuse iyo masuuliyiin kale, ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkan dadaal weyn ugu jirtay siddii ay dib dalkooda ugu soo celin lahayd tahriibayaasha Soomaaliyeed ee jooga dibadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here