Taliska Booliska gobolka Banaadir oo war ka soo saaray dhacdadii Howlwadaag

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Mumin oo uu wehliyo Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasadda gobalka Banaadir oo hada warbaahinta kula hadlay Saldhigga Degmada Howlwaddaag ayaa ka warbixiyay shaqaa-qadii saaka ka dhacday isgooska Howlwaddaag.

 

Kadib markii askari tirsanaa ciidanka dowladda uu ku dilay wiil Bajaajle ah oo lagu magacaabo jiray Maxamed Cabdisalaan Cali oo goobta Marayay.

Taliye Mahdi ayaa sheegay in lasoo xiray tiro badan oo Ciidamo ah oo ku eedeeysan dilka Marxuumka ee saaka la dilay, islamarkaana ay socdaan baaritaanada la xariira kiiskaan, dhawaana la wadaagi doonaan Shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here