Taliska Booliska oo faah faahiyey qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay dhimashada 6 qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen Saraakiil Sarsare oo katirsan Booliska Soomaaliya, halka 4-takalana ay ahaayeen dad shacab ah oo wadada marayay.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah Taliyihii Saldhiga degmada Waaberi Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane & Taliye kuxigeenkii Waliyow Cadde Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamud Cagey.

Kooxda dembibaarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID iyo Saraakiil kale ayaa gaaray goobta iyagoo billaabay baaritaano ku aaddan qaraxa.

Weerarkan ayaa dhacay iyadoo aad loo adkeeyay sugidda amniga magaalada Muqdisho, waxaana gudaha caasimada laga sameeyay baro koontarool oo dheeri ah si loo xoojiyo ammaanka guud ee magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here