Taliska Booliska oo ku raad-joogo kooxo falal amni darro ka geystay Muqdisho

0

MUQDISJHO (SMN) – Afhayeenka Booliska, Cabdifataax Aadan Xasan oo u warramay Shabelle ayaa ka warbixiyey howl-gallada ka socda Muqdisho, isla-markaana lagu sugayo amniga caasimadda oo ay ka dhacayaan doorashada kuraas ka mid ah baarlamaanka.

Cabdifataax Aadan Xasan ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanka ay haatan ku raad-joogaan illaa 7 mooto oo uu sheegay in falal ammaan darri looga geystay gudaha magaalada Muqdisho, isla-markaana ay ku daba jiraan ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in laamaha ammaanka iyo dadka shacabka ah ay haatan ka dhexeyso wada-shaqeyn buuxdo, isla-markaana uu u mahadcelinayo reer Muqdisho.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada habeenadii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ay xoojiyeen howl-gallada ka socda magaalada Muqdisho ee lagula dagaalamayo kooxaha burcadda ah iyo kuwa kale ee falalka ammaan darri ka geysta magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Muqdisho ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan xildhibaanada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here