Taliska Booliska oo shaaciyay in la adkeeyay amniga madaxda qaranka

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha guutada ilaalada madaxda qaranka iyo hayโ€™adaha dowladda ee VIP, Gaashaale Sare Maxamed Daahir ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay ciidamada gaarka ah ee loogu talagalay amniga madaxda qaranka, isaga oo u soo bandhigay warbaahinta.

Maxamed Daahir ayaa sheegay in ciidamadan gaarka ah oo ka tirsan Booliska Soomaaliya la galiyay heegan buuxa, isla-markaana ay gudan doonaan waajibaadka saaran ee amniga.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay diyaar u yihiin ka hortagista wax kasta oo liddi ku ah amniga madaxda qaran iyo hay’adaha dowladda ee VIP.

“Waxaa loo aas aasay oo ciidankan loo diyaariyay in wax kasta oo amni darro ah oo ku imaanaya mas’uuliyiinta qaranka iyo xarumaha inuu ka hortego, waana ciidan aad loo diyaariyay, loona carbiyay inay wax weliba dareemi karaan,” ayuu yiri G/le Sare Maxamed.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho, si ay uga hortagaan falalka amniga darrada ah iyo weerarada Al-Shabaab oo haatan culeys soo saartay caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here