Taliska Booliska oo war kasoo saaray caruurta lagu dilay duleedka Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa  ka warbixiyay dhacdo lagu dilay laba Carruur Walaalo ah oo ka dhacday Aaga Weeydoow degaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho

Afhayeenka oo lahadalay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay soo xireen ninka qabay hooyada dhashay caruurta la dilay iyo iyada, kuwaas oo lagu haayo xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da.

Afhayeenka ayaa sidokale tilmaamay in dilkaas caruurta loo geystay uu ka dambeeyo qof qoyska Reerka ka tirsan, wuxuuna sheegay in Carruurta la daldalay kadibna Afka Carro looga shubay. Waxa una Afhayeenkau intaa haalkisa ku daray inay wadaan baaritaano la xiriira sida uu falkaasi u dhacay, isla markaana wixii kusoo kordha ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.

Sakay ayay ahayd markii meydka ah Wiil iyo Gabar walaalo ah da’doodu kala tahay 7 jir iyo Shan jir lagu arakay Xaafadda Jaamacadda Shabeelle oo ka tirsan degaanka Garasbaaleey ee duleedka muqdisho,dhacdadaan oo naxdin iyo murugo ku reebtay Ehelka iyo dadka xafadaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here