Taliska Booliska oo ka warbixiyey qarixii wadada Cabdiqaasim + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay qarixii saaka aroortii hore ka dhacay wadada Cabdiqaasim, degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa uu ka dhashay gaari Surf ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla-markaana ay wax ku noqdeen dad shacab ah.

Afhayeenka Booliska ayaa xaqiijiyey in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan sideed qof, halka ay ku dhaawacmeen 17 kale oo u badan dad rayid ah oo ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in bartimaameedka qaraxa uu ahaa baabuurta waardiyeysa UN-ka ee looyaqaano Duguf Security oo xilligaas marayey wadada.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan deggan, waxaana goor dambe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka sameeyey halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here