Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya oo awaamiir culus soo saaray

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa faah-faahin ka bixiyey ammaanka magaalada Muqdisho iyo howlgallada ay ka wadaan Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Afhayeenka Booliska, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id qabtay ayaa warbaahinta usoo bandhigay rag lagu eedeeyey burcadnimo, hub iyo waxyaabaha maanka-dooriya oo ay ciidamada gacanta kusoo dhigeen.

Sidoo kale Booliska Soomaaliya ayaa lixda habeenimo wixii ka dambeeya mamnuucay mootooyinka nooca Bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Arrintan ayaa qayb ka ah howlgallada lagula dagaalamayo burcadda hubeysan iyo maan-dooriyaha, si loo xaqiijiyo amniga guud ee degmooyinka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here