Taliska Booliska oo soo saaray amar la xiriira maalmaha xorriyadda

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan xasan oo wareysi siiyey Shabelle ayaa sheegay in mamnuuc ay tahay in maalmaha xorriyadda aawgood, rasaas loogu dabaal-dago, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in la ilaaliyo xasiloonida iyo amniga dalka.

Cabdifitaax ayaa sheegay in rasaastaas ay waxyeelo kasoo gaari garto dadka shacabka ah, ama aragax ku noqon karto, sidaas daraadeedna aan la ogoleyn.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabo adag laga qaadi doono askari kasta oo   rasaas u adeesada dabaal-daga xuska maalmaha xorriyadda.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xalay magaalada Muqdisho si weyn looga xusay munaasabadda 26-ka June oo ah markii ay xornimada qaateen gobollada waqooyi dalka.

Inta badan maalmaha ay jiraan dabaal-dagyada ayaa rasaas xoogan laga maqlaa Muqdisho taas oo mararka dhalisa waxyeelo soo gaarta dadka rayidka ah ee ku dhaqan caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here