Taliska ciidamada DDS oo sheegay inay 800 ka dileen Al-Shabaab

0

JIGJIGA (SMN) – Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlad deegaanka oo warbaahinta la hadley ayaa tafaasiil dheeri ah waxay ka bixiyeen weerarkii Al-Shabaab ay ku qadeen xadka Soomaaliya iyp Itoobiya.

Taliyaha ciidanka gaar ka ah ee dowlad deegaanka Sarreeye Gaas Maxamed Axmed ayaa sheegay in ciidanka DDS ay guullo ka gaareen dagaalladii ay la galeen Al-Shabaab isaga oo xusay in ay dileen 800 oo Al-Shabaab ahaa, ayna nolosha ku qabteen illaa 99 xubnood.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay sii wadayaan howlagallada ay ka fulinayaan DDS isaga oo ugu baaqay shacab in ay garab istagaan ciidamada Liyuu Boolis.

Xaaladda deegaannada lagu dagaalamay ee ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa weli aad u kacsan, ayada oona laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here