Taliska ciidamada DDS oo xog cusub ka bixiyey weerarkii cuslaa ee Al-Shabaab

0

JIGJIGA (SMN) – Taliska ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey xogta iyo sida loo abaabulay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaankaasi.

Gaashaanle Sare Cabdi Cali Siyaad oo ah taliyaha guutada labaad ee ciidanka dowlad deegaanka ayaa sheegay in ragga weerarka qaaday ay ahaayeen dhalinyaro deegaanka kasoo jeeda, balse tababar kusoo qaatay gobollada Jubbooyinka, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa shaaciyey in Al-Shabaab sidoo kale loo fududeeyey weerarka, isla-markaana odayaal deegaanka ka tirsan ay si qarsoodi ah ugu qoreen dhalinyaradaasi oo mar dambe ku soo laabtay deegaanka, kadibna ka sameystay saldhig ay ka qorsheeyeen weerarka.

Sidoo kale wuxuu farriin adag u diray dadka shacabka ah, wuxuuna tilmaamay inay tahay in amniga laga waa shaqeeyo, si looga hortego falalka amni darrada ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu ku dhawaaqay in lasoo gabagabeeyey weerarkii Al-Shabaab, kaas oo qaatay 4 maalin oo xiriir ah, wuxuuna maamulku shaaciyey inay dileen xubnihii duulaanka soo qaaday, sidoo kalena ay hub ka furteen waxaana intaasi dheer khasaare labada dhinac ka soo gaaray dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here