Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya oo faahfaahiyey weerarkii Hoteelka Xayaat

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyey weerarkii saacadaha badan qaatay ee ay Al-Shabaab ku qaaday Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Xijaar ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray howlgalka, wuxuuna boggaadin u jeediyey ciidamada ammaanka ee ka qayb qaatay howlgalkaaso.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la soo badbaadiyey illaa 100 qof oo shacab, isla-markaana ku go’doonsanaa dhismaha Hoteelka la weeraray.

Taliyuhu ma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, balse wuxuu tilmaamay inay dib ka sheegi doonaan marka ay soo gabagabeeyey baaritaannada socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here