Taliska ciidamada Xoogga dalka oo guullo ka sheegtay howl-gallo ka socda Sh/Dhexe

0

Taliska milatariga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Talaadadii shalay sheegay in 17 ka mid ah xoogaga Al-Shabaab ay ku dileen howl-gallo ay ciidanka qalabka sida ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenka ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Cali Xashi Cabdi ayaa warbaahinta Dowladda Soomaaliya u sheegay in dagaallada lagu dilay dagaalyahanada Al-Shabaab ay ka dhaceen tuulooyinka Wararaxley, Qurac-madoobe iyo Cali-Fooldhere.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabab oo ku saabsan dagaallada ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here