Taliska ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlay weerarkii degmada Balcad

0

BALCAD (SMN) – Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in ay dileen ugu yaraan sagaal ka tirsan Al-Shabaab oo saakay weeraray degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.

Saraakiil u hadashay warbaahinta ayaa sidoo kale  xaqiijiyay in weerarka Al-Shabaab kusoo qaadeen Balcad ay ku geeriyoodeen shan qof oo rayid ah dad kalena uu dhaawac soo gaaray.

Taliska ayaa intaa ku daray inay fashiliyeen weerarka Al-Shabaab ay kusoo qaadeen degmada Balcad ee 30 km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Mudisho, ahna marin muhiim ah oo isku xira  magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Xaaladda ayaa hadda daggan, waxaana soconaya howl-gallo ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here