Taliska ciidamada Xoogga dalka oo war ka soo saaray weerarkii Xawaadley

0

BALCAD (SMN) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkii saaka lagu qaaday saldhig ku yaalla deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo ku bilowday is-miidaamin.

Odowaa ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay sameeyeen iska caabin xoogleh, isla-markaana ay dileen 21 ka mid ahaa raggii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhankooda ay ka dhinteen illaa shan askari oo uu ku jiro Taliyihii Guutada 3-aad, Qaybta 27-aad ee milatariga Soomaaliya Korneel Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqey) oo maamulayey saldhigga la weeraray.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaya duleedka degmada Balcad oo ah meesha uu weerarka ka dhacay.

Shalay uun ayey aheyd markii weerar kan lamid ah ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here