Taliska CXD oo guullo ka sheegtay dagaal oo ka dhacay Duleedka Mahadaay

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo oo ka dhacay Degaanka Obaale ee Duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Sh.Dhexe.

 

Dagaalkan oo ahaa mid xooggan ayaa waxuu yimid kadib markii Ciidanka Dowladda iyo kuwa Degaanka ay weerar ku qaadeen fariisan Xubno ka tirsan Al Shabab ay ku la haayeen Duleedka Degmada Mahadaay.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay dileen 14 xubnood oo ka mid ahaa Kooxda Al Shabaab, islamarkaana ay gacant ku dhigeen hub intii uu dagaalka socday.

Taliska ayaa sidoo kale xusay in ay nolosha ku qabteen ugu 5 maxbuus ka mid ah Al Shabaab.

Dhinaca kale, qoraal kooban oo ka soo baxay Ururka Al Shabaab ayaa looga hadlay dagaalkii Obaale iyo Qarax ka dhacay madaarka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay in Dagaalkii Obaale ay ku dileen ugu yaraan lix askari oo ka mid ahaa Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Bayaanka Al Shabaab ayaa sidoo kale lagu xusay in laboo ruux ay ku dhinteen, labo kalena uu dhaawac ka soo gaaray Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar.

Gobolka Sh.Dhexe ayaa waxaa ka socda howlgallo ay si wada jir ah u wadaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Degaanka si Al Shabaab looga saaro Degaanada ay ka maamullaan Gobolka.

Dhowaan ayey aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Hishabelle, Cali Guudlaawe uu ku dhawaaqay in uusan joogsan doonin howlgallada ka socda Gobolka inta laga xorreynayo Degaan weliba ay maamullaan Kooxda Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here