Taliyaha ciidamada Booliska oo ka hadlay ammaanka magaalada Muqdisho

0

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo u warramayey wariyeyaasha ayaa ka hadlay ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, maadaama la galayo doorashooyin.

Xijaar ayaa sheegay inay si weyn u sugayaan amniga caasimadda, isla-markaana ay billaaban doonaan howl-gallo amni xaqiijin ah.

Sidoo kale wuxuu amray ciidamada ammaanka inay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay u yihiin adeegayaal.

”Ciidanka Booliska meel kasta oo uu joogo waxaan amrayaa inay shacabka wakiilka ka yihiin si wanagsan ula dhaqmaan, suuqa, Koontoroolada, saldhigyada, laamiyada, Boolisku wuxuu yahay ilaaliyaha Shacabka,” ayuu yiri.

Ammaanka Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyey ahaa mid deggan, waxaana howl-gallo kala duwan ka waday ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here