AADAN YABAAL (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan Taliyaha ciidanka dhulka iyo Wasiir-Dowlaha Gaashaandhigga ayaa maanta kormeeray deegaanka Al-kowsar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wefdiga taliyaha ayaa waxaa Al-Kowsar ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe iyo Qeybaha Bulshada magaaladaas.
Taliyaha ayaa sidoo kale booqday fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka re ku yaalla halkaasi.