Taliyaha ciidamada Xoogga oo gaaray magaalada Beledweyne + Sawirro

0

BELEDWEYNE (SMN) – Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Generaal Odowaa Yuusuf Raage iyo sarakiil u hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan

Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Baladweyn kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan iyo Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Baladweyn

Ujeedka safarka Taliye Odawaa ee Magaalada Beledweyne ayaa lagu sheegay sidii Saraakiisha Ciidamada guutada 5aad ee qeybta 27aad uu kala hadli lahaa la dagaalanka Al-Shabaab oo maalmihii an soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka bilaabay inta u dhaxeysa degmooyinka Matabaan iyo Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa sidokale munasabad lagu qabatay Beledwene kula wareegay gaadiid iyo Agab kale oo loogu tala galay ciidanka xoogga ee ka howlgallo Magaalada Beledwen ee xarunta Gobolka Hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here