Taliyaha ciidamada Xoogga oo ka hadlay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay xerada tababarka ciidamada ee General Dhaga-badan oo ku taalla Ex Warshaddii hore ee Nac-Naca ee degmada Wadajir.

Qaraxa oo uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha ayaa ka dhacay afaafka hore ee xerada, xilli ay saf ku jireen dhalinyaro doonayey inay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale qofka is qarxiyey ayaa la sheegay inuu soo dhex-galay safka ay dhalinyarada uga jireen koontaroolka laga galo xarunta, ka hor inta aan la baarin, kadibna uu is qarxiyey.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Odowaa Yuusuf Raage oo war qoraal ah soo saaray faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay is-miidaamintaasi, wuxuuna sheegay inay ku dhinteen 10 dhalinyaro ah, kuna dhaawacmeen 20 kale.

“Allaha u naxariisto waxaa dhintay 10 kamid dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka waxaana dhaawac soo gaaray 20 kale kuwaa oo ku sugnaa banaanka koontarool-ka laga galo xerada Ciidanka ee General Dhaga badan, dhallinyarada ayaa sugeysay Baaritaanka ka hor inta uusan dhex galin qof naftii halige ah,” ayuu yiri taliyaha.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in qaar ka mid ah dhalinyarada ku sugneyd goobta ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, isla-markaana la geeyey xarumaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa qeyb ka noqonayo falal ammaan dari oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey magaalada Muqdisho, waxaana dhowaan qarax kan la mid ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa iska ka dhacay wadada Macalin Nuur ee aada Dharkenley, kaas oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad shacab ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here