Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda oo gaaray dalka Itoobiya + Sawirro

0

ADDIS ABABA (SMN).- Wafdi uu hogaaminayo taliyaha NISA, Mahad Salaad Maxamed ayaa gaaray dalka Itoobiya, waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey dhiggiisa dalkaasi.

Mahad Salaad ayaa halkaasi ku joogi doono booqasho laba maalin ah oo xiriirka iyo iskaashiga lagaga wadahadli doono, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Taliyaha hay’adda NISA ayaa maalmaha uu joogo Addis Ababa wadahadallo la yeelan doono dhiggiisa dalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here