Taliyaha Hay’adda NISA oo war ka soo saaray dilkii loo geystay Bakaal Kooke

0

MUQDISHO (SMN) –  Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa war ka soo saaray dilkii taliyaha NISA ee gobolka Gedo, Marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Bakaal Kooke) oo saaka ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay duleedka degmada Luuq ee gobolkaasi.

Ugu horreyn Mahad Salaad ayaa uga tacsiyeeyay qoyska, qaraabada, saraakiisha, xubnaha hay’adda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed dilka Marxuum Bakaal Kooke, oo ahaa Taliyihii NISA ee gobalka Gedo.

“Bakaal wuxuu shahiiday isagoo xaqa ku taagan, naftiisana u hibeeyay sidii dalka iyo dadka looga dulqaadi lahaa cadowga Khawaarijta ah.” ayuu yiri Taliyaha NISA.

Sidoo kale taliye Mahad Salaad ayaa amray qaybaha baarista ee hay’adda NISA in ay dabagal ku sameeyaan kiiska dilka ee taliye Bakaal Kooke.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan joogsan doonin howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada dalka, ayna sii wadi doonaan dagaalka ka socdo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here