Taliye Baakaay “Aniga waa noolahay, waxaan ku dhex lugeynaa Guriceel”

0

GURICEEL (SMN) – Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo ah taliyaha guutada shanaad, qaybta 21 aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey dagaalka Guriceel ee ka dhanka ah Ahlu Sunna Waljamaaca.

Ugu horreyn taliyaha ayaa beeniyey warar lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka oo sheegayey inuu ku dhintay dagaalkaasi, wuxuuna shaaciyey in haatan uu ku sugan yahay gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, isla-markaana uu nabad qabo.

“Aniga waa noolahay, waxaan ku dhex lugeynaa magaalada Guriceel,” ayuu yiri Taliye Baakaay.

Sidoo kale wuuxuu tilmaamay inay ka go’an tahay in xoogaga Ahlu Sunna ay ka saaraan magaaladaasi, isla-markaana ay xoojin doonaan howl-galka ay ka wadaan halkaasi.

Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, waxaana weli is horfadhiya ciidamada labada dhinac ee dagaalamay, iyada oo inta badan qoysaskii deganaa halkaasi ay barakaceen.

Guriceel oo ah magaallo ganacsi oo ballaaran ayaa waxa ay xudun u noqotay xiisadda haatan ka taagan gobolka Galgaduud ee u dhexeyso Ahlu Sunna iyo Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here