Sarkaal lagu helay fududeynta qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo dil lagu xukumay

0

MUQDISHO (SMN) -Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta go’aan kasoo saartay kiiska Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle (Ayaanle), kaas oo lagu helay inuu fududeeyay weeraro qaraxyo ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shariif ayaa ka soo mid ahaa Ciidamada illaa dowladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxaan uu ka gaaray Darajada Kabtan, isaga sidoo kale soo noqday taliye Urur, oo la soo shaqeeyay General Cabdikariim Yuusuf Adan (Dhaga-badan) Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ciidamada Xoogga Dalka oo uu noqday Darawalkiisa gaarka ahaa

Ninkan ayaa waxaa loo soo xiray inuu gawaari qaraxyo ku baakimay dhowr goobood oo ganacsi sida, Village Hotel and Restaurant Afar, Tobankii January 2019, Baar Italia agagaarka Mall-ka Xamar-weyne, February 4-teedii 2019-kii, Maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant, 28 March 2019, Xeebta Liido agagaarka Aargada, May 27-keedii 2019.

Sidoo kale waxaa weeraradaas ku dhintay ilaa 27 qof oo isugu jiro qaybaha Bulshada, ayada oo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka sii badan.

Eedaha kale ee ninkan loo haystay waxaa kamid ahaa iibinta laba Hoobiye oo 60-ah iyo 40-xabo oo ah Rasaastiisa.

Xeriirka technologyada ayaa laga tix raacay soo qabashadiisa kedib weerarkii garoonka Diyaaradah Aadan Cade 23-kii March Sanadkii tegay 2022 balse waxaa la waysnaa ilaa  November 19-kedii 2022 markaas uu soo galay gacanta Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Marinta habraacyadii Dacwadda kedib, Maxkamadda Ciidamada ayaa dhegeysiga fadhigii ugu dambeeyay gashay 7-dii January Sanadkan 2023.

Ugu dambeyn maanta ayay Maxkamadda Ciidanka ku xukuntay Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle Dil toogasha ah oo ah Qisaasta marxuumiinta ku naf waayay Gawaaridii Qaraxyada ahaa ee uu dhigay, waxaa sidaas Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here