Taliye Odowaa oo war ka soo saaray howlgallada ka socda gobolka Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage oo haatan ku sugan Hiiraan ayaa ka warbixiyey howlgallada ka socda gobolkaaasi.

Odowaa ayaa marka hore boggaadiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan, wuxuuna tilmaamay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen deegaano horleh.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in khasaare xoogleh Al-Shabaab lagu gaarsiiyey howlgalladaasi, isaga oo tilmaamay inay sii wadi doonaan.

Sidoo kale wuxuuu ugu baaqay dadka deegaanka inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda, si loo sugo amniga, loogana hortego weerarada Al-Shabaab.

Gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka socday howlgallo iyo dhaq-dhaqaayo ay ka wadaan ciidamada milatariga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here