Taliye Xijaar oo ciidamo Boolis ah tababar ugu soo xiray dalka Jabuuti + Sawirro

0

JABUUTI (SMN) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa dalka Jabuuti tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dufcadaan oo noqoneysa dufcadii 17-aad ee ciidanka Booliska ayaa tababarkooda waxaa iska kaashaday dowladaha Soomaaliya, Talyaaniga iyo Jabuuti. waxaana ay dalka kusoo laaban doonaan todobaadka soo socda.

Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in Cutubtayaddaan tababarka soo dhameystay la geyn doona deegaanadda laga saaray Al Shabaab si ay ula wareegaan ammaanka goobahaasi, isla markaana ay uga shaqeeyaan xasilloonidda iyo wada noolaashiyaha bulshada.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here