Taliye Xijaar oo digniin culus u diray ciidamada Booliska Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed janaraal; Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa saraakiisha iyo laamaha kala duwan ee ciidanka boliiska Soomaaliyeed faray inaysan ku milmin arrimaha siyaasadda.

Taliyaha ayaa sheegay in ay u xilsaaran yihiin ilaaliyaan arrimaha nabad-gelyada shacabka Soomaaliyeed, mas’uuliyadna ay ka saaran tahay doorashooyinka dalka, kuna ekaadaan amniga guud ee dalka.

Shacabka ayuu ka codsaday taliyuhu inay ka gacan siiyaan ciidanka boliiska Soomaaliyeed la dagaallanka maan-dooriyaha , dhaqan xumada iyo wixii wax u dhimaya ammaanka.

Taliye Xijaar ayaa uga mahad celiyay kaalinta ay boliisku ku lahaayeen sugidda arrimaha amniga iyo doorkii dhexdhexaadka ahaa ee ay ka qaateen intii la guda galay doorashooyinka haatan socda.

Wuxuuna aad ugu boorriyay inay daadejiyaan awaamiirta kasoo baxda taliska sare loona dhega nuglaado, lana adkeeyo midnimada iyo wada jirka ciidanka boliiska Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here