Taliye Xijaar oo wada-hadal la yeeshay dhiggiisa dalka Rwanda + Sawirro

0

KIGALI (SMN) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Rwanda S/Gaas, Dan Munyuza, ayaa xarunta Taliska Boliiska Rwanda, ee Kigali ku qaabilay dhiggiisa Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar)

Taliyaha Boliiska Rwanda S/Gaas, Dan Munyuza ayaa u muujiyay  dhiggiisa Somalia sida ay uga go’an tahay in ay sii horumariyaan wadashaqeynta labada hay’adood ee fulinta sharciga iyada oo loo marayo dhisidda awoodda iyo isdhaafsiga khibradaha labada dal.

Labada talis ayaa kala saxiixday heshiis dhanka tababarada Saraakiisha Sare sanadkii 2011-kii, wixii xilligaasi ka dambeeyay waxaa Rwanda tababar loogu soo xiray 11 Sarkaal oo katirsan Boliiska Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay ku jiraan 6 Saraakiil sare, oo ka qeyb galay koorsada Hoggaaminta & Abaanduul Sare ee Waxbarashada Heerka 2-aad ee Jaamacadda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas, Cabdi Xasan Maxamed (Xijar) ayaa dhankiisa qiray in Dowladda Rwanda ay Boliiska Soomaaliyeed ka taageerayso horumarinta amniga, nabad-dhisidda iyo sareynta sharciga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here