Taliyihii Nabad Sugidda ee gobolka Gedo oo qarax miino lagu dilay

0

LUUQ (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo lagu dilay  taliyihii Nabad Sugidda gobolka Gedo oo lagu magacaabi jiray marxuum Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan Bakaal Kooke.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha qaraxa loogu xiray gaarigiisa xilli uu ka soo baxay degmada Luuq, kuna sii jeeday degmada Doolow, wuxuuna ku qarxay tuulada Suul Alle ee isla gobolkaasi.

Sidoo kale waxaa qaraxan ku dhintay illaa 6 askari oo la socotay gaariga uu saarnaa taliyaha Nabad Sugidda ee gobolka Gedo oo ku dhintay qaraxaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda ayaa goobta gaaray, kuwaas oo meesha ka soo qaaday meydka taliyaha iyo askarta kale ee ku dhaawacantay qaraxaasi.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar lagu dilay taliyihii Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka (NISA) ee gobolka Gedo, waxayna shaaca ka qaaday in howlgalka uu ahaa mid aad loo soo qorsheeyay.

Bakaal Kooke ayaa sarkaal awood badan oo labadii sano ee la soo dhaafay gacanta ku hayey amniga gobolka Gedo, wuxuuna ka mid ahaa xubnaha sida weyn uga soo horjeeday maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ee Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here