Talyaaniga oo bad-baadiyey 539 qof oo tahriibayaal ah

0

Maraakiibta ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa 539 muhaajiriin ah ka soo badbaadiyay dooni kuwa kalluumeysiga ah oo ku sii jeeday jasiiradda Lampedusa.

Kooxaha badbaadiyaasha  ayaa sheegay in dadkaan ay yihiin tiradii ugu badnayd ee muhaajiriin ah oo hal maalin gudaheed soo galay jasiiraddaasi,waxaan ku jiray dumar iyo carruur .

kooxda samafalka ee MSF (Dhakhaatiirta Aan Xudduudda Lahayn), ayaa sheegay in tiro ka mid ah muhaajiriinta ay u muuqdeen kuwo qaba dhaawacyo ka soo gaaray dadka wax tahriibiya ee ku sugan dalka Liibiya.

Baarayaasha Talyaaniga ayaa eegaya xaaladda dadka tahriibayaasha ah iyo waxa sababay  socdaalkooda xagga badda ah ee dalalka Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here