Tirada dhamashada ka dhalatay qaraxyadii Maxaas oo sii korortay

0

MAXAAS (SMN) – Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska maamulka HirShabelle Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo u warramay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegay inay korortay dhimashada labadii qarax ee shalay ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Xasan-kaafi ayaa shaaca ka qaaday in tirada dhimashada ay haatan gaartay illaa 35 qof, dhaawacana uu yahay illaa 40 qof oo u badan dad rayid ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka dhaawacmay oo haatan lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ay ku jiraan haween iyo carruur ku sugnaa goobaha la qarxiyay.

“Dadka dhintay intooda badan waa dad rayid ah, waana haween iyo carruur,” ayuu yiri Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku xigeenka Booliska HirShabelle.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaan oo geystay khasaare xoogleh iyo burbur baahsan, waxaana loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay qaraxyo.

Weerarkan ayaa waxa ay ku soo aadeen, xilli Hiiraan uu ka socdo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay deegaano ku qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here