Tiro Gantaallo ah oo lagu weeraray Ciidamada Isra’iil

0

Ciidammada Difaaca Isra’iil  ayaa sheegay in lal beegsaday seddex gantaal oo laga soo tuuray dhanka Suuriya kuwaas oo aanay sheegin qasaaraha ka dhashay.

Qoraal ay soo dhigeen barta Twitter-ka ayay  ku sheegeen magalooyin ay ku sugnayeen Ciidamadadooda ay ku dhaceen tiro Gantaallo ah balse ay ka gaabsadeen in ay faafaahin ka bixiyaan.

Warbaahinta Yahuudda ayaa ku warantay in qaar kamid ah Gantaalladan ay ku dheceen dhul banaan, iyaga oo aan geeysan wax qasaara ah.

Wali ma cadda cida ka dambeysay gantaalladan lala beegsaday Isra’iil.

Dagaalada u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Isra’iil ayaa hadda ku fiday degaano ka mid ah Daanta Galbeed, iyadoo la sheegaya in 10 qof oo Falastiiniyiin ah ay dhinteen weeraradii ugu danbeeyay.

Ugu yaraan 122 qof  oo ay  caruur ku jirta ayaa lagu dilay Qasa, halka  tiro ku dhaw 100 qof loga dilay Israa’iil tan iyo markii Isniintii uu dagaalka billowday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here