Tiro hoobiyeyaal ah oo ku dhacay agagaarka xarunta madaxtooyada

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo caawa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Hoobiyeyaasha oo gaarayey illaa lix ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku hoobteen xaafado ku dhow xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicdaas oo dhawaqooda si xoogan looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah caasimadda.

Faah faahinta kala soco: shabellemedia.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here