Tiro hoobiyeyaal ah oo ku dhacay xaafado ku yaalla Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo duhurnimadii maanta ku dhacay xaafado ku yaalla agagaarka dhismaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan oo gaarayey illaa shan ayaa qaarkood waxa ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay ilaa saddex ruux oo shacab ah laba ka mid ahna ay dumar yihiin ayaa ku dhintay hoobiyeyaashaasi, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay illaa 5 ruux oo kale oo caruur u badan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan hoobiyeyaashaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana ay shaacisay in bartilmaameedkooda xarumaha dowladda ee ku yaalla degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere ee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here