Toogashado lagu dilay 10 qof oo ka dhacday dalka Mareykanka

0

WASHINGTON (SMN) – Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay weerar ka dhacay meel qoob ka ciyaarka lagu sameeyo halka ay ku dhaawacmeen 10 qof oo kale.

Arrinntan ayaa qeyb ka ah weeraro inta badan ay qaadaan dad hubeysan oo u badan dhallinayo.

Ninkii looga shakisanaa in uu weerarka ka geystay meel u dhaw Los Angeles ee dalka Mareykanka ayay booliska heleen isaga oo meyd ah.

Waxaana la sheegay in uu isku dhex toogtay gaari gudihiisa, Saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa hareereeyey gaari midabkiisa lagu sheegay caddaan oo ku sugan magaalada Torrance ee gobolka California in ka badan 12 saacadood ka dib weerar dad badan ay ku dhinteen oo dhacay .

Ninkan ayaa da’diisa lagu sheegay 72 jir, wuxuu kasoo jeeda Asia.

Toogashada aan loo meel dayin ayaa ka dhacday goob lagu soo bandhigayay ciyaaraha qoob ka ciyaarka oo ku taalla barxadda Monterey, halkan waxaa si weyn ugu badan dadka kasoo jeeda qaaradda Asia ee ku nool Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here