Turkiga oo ballan-qaadyo u sameeyey maamulka gobolka Banaadir + Sawirro

0

xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Faarax Cabdi Diini iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir Mudane Xiireey Axmed Rooble ayaa kulan gaar  Magaalada Istanbul kula qaatay  Madaxweynaha Ururka shaqaalaha Dawladaha hoose ee Turkiga MR. Levent Uslu kulankaas oo diiradda lagu saaray Xaaladda horumarineed ee Muqdisho, marxalidihii kala duwanaa iyo xalligii adkaa ay Magaalada soo martay, waxaa halkaasi laga xusay in ay muhiimad gaar ah leedahay garab istaagga D/Hoose ee Muqdisho si hadafka Maamulka ee adeeg bixinta iyo u adeegidda Shacabka loogu guuleysto, sidoo kale Madaxweynaha Ururka shaqaalaha Dawladaha hoose ee Turkiga Mudane Levent Uslu, oo ay hoos timaado 1400 D.hoose shaqaalaheeda ayaa ballan qaaday arima ay kamid ahaayeen.

1. isku xirka Dawladda Hoose ee Muqdisho iyo Dawladaha hoose ee kala ah  a) Konya b) Bursa

2. Waxaa isla kulanka lagu ballan qaaday in Waaxda Dab-damiska D. hoose ee Muqdisho laga taageero kor u qaadida xirfadaha iyo aqoonta Saraakiisha iyo hawl-wadeenadda Waaxda.

3. Waxaa leysla gartay in La xoojiyo xiriirka labada hey’adood ee Muqdisho iyo Midowga shaqaalaha Dawladaha hoose ee Turkiga.

4. Deg deg in loo diyaariyo heshiis ay kala saxiixan doonaan Maamulka D. hoose ee Muqdisho iyo Midowga Dalwadaha Hoose ee Turkiga.

5. Madaxweynaha Midowga ayaa sidoo kale ballan qaaday tababradda shaqaalaha D.hoose ee Muqdisho si ay u hantaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here