Ufurow oo xalay u gudubtay wareega afaraad ee tartanka Shabelle

0

MUQDISHO (SMN) – Degmooyinka Ufurow iyo Wadajir oo ka kala tirsan gobollada Baay iyo Banaadir ayaa xalay ku tartamay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Ufurow oo guul gaartay ayaa heshay 14 dhibcood, halka Wadajir oo guud ahaan tartanka ka hartay ay keensatay 4 buundo, sida uu shaaciyey guddiga tartanka.

Sidoo kale waxaa caawa tartanka ku madalsan degmada Afgooye iyo deegaanka Bargaan oo kala metali doono gobollada Shabeelaha Hoose iyo Galgaduud.

Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba-gelinaya shirkadda isgaarsiinta Somtel oo abaal-marin guddoonsiin doonto degmooyinka gala kaalmaha 1-aad iyo 2-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here