Uganda oo qiratay in ciidamadeeda ay dad shacab ah ku dileen Soomaaliya

0

Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa qiray in ciidamada dalkiisa ee ka midka ah howl-galka AMISOM ay dhawaan gobalka Shabeelaha Hoose ku dileen dad rayad ah.

Musaveni wuxuu sheegay in falkaan dilka ah ay ciidamadu gaysteen xili sida uus heegay ay caraysnaayeen, isaga intaa raaciyay in xubnaha dilka gaystay la xiray dacwadana lagu soo oogi doono

Sidoo kale madaxweynaha wadanka Uganda ayaa sheegay in magdhow ay siinayaan ehalada dadkii ay ciidamadada dalkiisu dilka u gaysteen.

“Dhowaan waxaa na soo gaaray kiis la xirriira dil Soomaaliya ka dhacay, koox ka mid ah askarteena ayaa dad laayay, dhamaan xubnihii falkaas ka dambeeyay waa la xiray dacwad ayaana lagu soo oogay.” Ayuu yiri madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.

Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa dhawaan la sheegay in 7qof oo rayid ah isku meel lagu dilay, kadib markii uu dhacay dagaal u dhaxeeyey ciidamada Uganda & Al- Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here