UK oo ballan-qaaday inay Soomaaliya ka taageereyso dagaalka Al-Shabaab

0

LONDON (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefonka kula hadlay wasiirka cusub ee Arrimaha Debedda ee dowladda Ingiriiska James Cleverly.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay, qodobo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Ingiriiska.

James Cleverly  ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska ay sii wadayso taageerada ay Soomaaliya ka siiso dhinaca la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale qoaraal uu soo dhigay bogga uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku sheegay in UK Soomaaliya ugu deeqday sannadkan in ka badan 50 milyan oo Pound.

Lacagtan ayaa si gaar ah loogu qorsheeyey in lagu taageero dadka dhibaataysan, gaar ahaan kuwa ay haysato cunto yaraanta, biyo la’aanta iyo adeegyada kale ee dhinaca caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here