Ukraine oo ciidamadeeda kala baxeysa howlgallada QM

0

KYIV (SMN) – Dowladda Ukraine ayaa dib u soo ceshan doonta ciidamadeeda iyo agabka militari oo ay ku jiraan diyaaradaha helikobterrada, kuwaas oo ka qayb qaadanaya howlgallada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Afrika iyo Yurub, si ay u xoojiyaan difaaca gudaha ee ka dhanka ah duullaanka Ruushka.

Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay dalka Ukrain ku dhawaad laba toddobaad kahor, iyaga oo duqeymo iyo go’doomin kuwada magaalooyinkeeda, waxaana ay ku qasbeen in inka badan 2 milyan oo qof oo u badan haween iyo carruur ay ka baxaan dalkaas.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa Talaadadii saxiixay wareegto dib loogu yeerayo dhammaan ciidamada nabad ilaalinta, si ay gacan uga geystaan dagaalka ka socda gudaha dalkeeda.

Ukraine ayaa waxay ku biirisaylix howlgal oo Qaramada Midoobay ah ilaa 300 oo askari, saraakiil booliis iyo shaqaale, tiradaas oo aan wax badan ka bedeli doonin howlgallada nabad ilaalinta ee caalamka.

Howlgalka ugu weyn ee ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada Ukriane ayaa ah kan ka socda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo ee loo yaqaan MONUSCO, kaas oo ay ku leeyihiin unug ka kooban 250 askari oo ciidamada cirka ah iyo siddeed diyaaradood, sida uu sheegay afhayeenka MONUSCO.

Ciidamada Ukraine waxay sidoo kale qeyb ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta ee UN-ka ee jooga Mali, South Sudan, Sudan, Qubrus iyo Kosovo, sida lagu xusay bogga Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here