Ukraine oo gargaar bini’aadanimo usoo dirtay Soomaaliya iyo Itoobiya

0
KYIV – Golaha wasiirada ee Ukraine ayaa bayaan ay soo saareen shalay oo Isniin ahay ku sheegay inay go’aansadeen in Soomaaliya iyo Itoobiya la siiyo 50,000 oo tan oo qamadi ah si wax looga qabto abaarta ka sii daraysa ee ku dhufatay gobolka Geeska Afrika.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Ukraine Zelensky uu bishii lasoo dhaafay sheegay in qamadiga dalkiisa lagu badbaadin doono dadka gaajada ugu dhimanaya dalal katirsan Caalamka, oo Soomaaliya ay kamid tahay.

Hadalkan ayaa yimid maalmo kadib markii markab ay Qaramada Midoobay u kireysan yahay uu ka ambabaxay dekedda ku taalla Badda Madow ee Ukraine kaasoo ku xirtay dalka Jabuuti.

Markabka ayaa sida ku dhawaad 30,000 oo tan oo qamadi ah oo loogu tala-galay in lagu caawiyo malaayiin shacab ah oo abaar ku saameysay dalka Itoobiya, oo xiligan qeybo kamid ah dagaallo ka socdaan.
Africa ayaa aad ugu tiirsanayd qamadiga iyo saliida Ukraine, taasoo dhoofinteeda joogsatay kadib duulaankii Ruushka ku qaaday dalkaasi bishii Feb 2022.
Waxaa bishii July Istanul ay ku saxiixdeen Ruushka iyo Ukarine heshiis dhigaya in si nabad ah dekadaha dalkaasi uga soo baxaan Maraakiibta qamadiga si cunto yarida caalamka wax looga qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here