Ukraine oo sheegtay inay Qamadi u soo direyso Soomaaliya

0

KYIV (SMN) – Ukraine ayaa sheegtay inay 28,600 oo tan oo Qamadi ah u soo dirayso dalka Soomaaliya oo hadda qarka u saaran in ay ku dhufato macaluul ka daran middii dhacday sanadkii 2011.

Markab kuwa xamuulka ah oo saaran Shixnadda Qamadiga ayaa imaan doona Soomaaliya toddobaadyada soo socda, sida uu xaqiijiyay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

“Ukraine waxa ay sii waddaysaa in ay dunida meelaha gaajada ay ka jirto ku badaadiso qamadigeeda,” ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweyne Zelensky.

Hadalka madaxweyne Zelensky ayaa yimid iyadoo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku eedeeyay reer galbeedka inay u soo diraan inta badan qamadiga laga soo qaado dekedaha Ukraine dalalka Yurub halkii ay u diri lahaayeen qaybaha saboolka iyo gaajada ay ka jirto adduunka, sida Africa.

Putin wuxuu ku eedeeyay reer galbeedka gumeysi cusub inay wadaan, wuxuuna xusay in laga yaabo inuu kala hadlo Turkiga dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii lagu qaaday xayiraadda dekedaha Ukraine oo Ruushka u ogolaaday maraakiibta inay si badbaado leh u maraan badda madow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here