UNHCR oo walaac ka muujisay xaaladda qoysaska ku nool xeryaha Dhadhaab

0

Nairobi (SMN) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay in xaaladda bini’aadantinimo ee tobanaan kun oo Soomaali ah oo ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya ay sii xumaanayso.

Tani ayaa UNCHR ku tilmaantay musiibo bini’aadanimo oo mudo 40 sano ah aan ka dhicin Geeska Africa kadib markii ay abaaro isdabajooga ah ku dhufteen shantii sano ee lasoo dhaafay.

In ka badan 80,000 oo Soomaali ah oo ka soo cararay colaado iyo abaaro ayaa gaaray xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab labadii sano ee la soo dhaafay.

In ka badan 24,000 ayaa laga diiwaan geliyay Dhadhaab tan iyo bishii Sebtembar ee sanadkan.

Tani waxay culays wayn ku haysaa bulshooyinka degaanka iyo qaxootigii hore ugu noolaa xeryaha, oo ay ku jiraan qaxooti lagu qiyaasay 230,000 oo tan iyo 1991 halkaas ku noolaa.

Hay’adda UNHCR, ayaa ku warameysa in qaxootiga, gaar ahaan kuwa yimid tan iyo dhamaadkii bishii September ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Waxay sheegtay in hoyga dadka cusubi uu gabaabsi yahay. Tani waxay ku qasbeysaa qaar badan inay ku noolaadaan guryo cooshado ka sameysan, oo aan haysan biyo nadiif ah iyo cunto ku filan.

Afhayeenka UNHCR Boris Cheshirkov ayaa sheegay in daacuun ka dillaacay Dhadhaab dhamaadkii bishii Oktoobar uu soo ritay 350 qof, oo u badan carruur. Waxuu sheegay in faafitaanka daacuunku uu sii yaraanayo taas oo ay ugu wacan tahay dadaalka ay wadaan bah-wadaagta caafimaadka. Si kastaba ha ahaatee, khatarta xanuuno kale ayaa weli ka jira xerada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here